Israa’iil oo mar kale Falastiiniyiinta ku amartay inay ka guuraan Waqooyiga Qaza

0
258

Israa’iil ayaa mar kale shacabka ku nool Waqooyiga Qaza ku amartay inay u guuraan dhanka Koonfureed.
Waxaa digniintii horay loo soo saaray sii adkeeyay afhayeenka ciidamada militariga ee Israa’iil , Jonathan Conricus.
1.1milyan oo qof oo halkaasi ku nool ayuu u sheegay inay u hoggaansamaan oo aynan fududeysan digniintii loo diray maalmo ka hor.
Arrinkan ayuu shaaca uga qaaday muuqaal abaare 7-dii aroornimo ee saacadda Israa’iil ee maanta oo Axad ah la soo geliyay baraha bulshada.
Conricus ayaa ku celceliyay in Waqooyiga Qaza iyo deegaannada u dhow laga fulin doono howlgalo culus oo militari sidaasi awgeedna ay shacabka ku boorrinayaan inay badqabkooda tixgeliyaan oo ay Koonfurta u wareegaan.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay in Israa’iil ay ka dambeysay weerar shalay lala eegtay kolonyo baabuur ah oo siday shacab ku wajahnaa dhanka Koonfureed.