Mia Khalifa oo taageero ay muujisay Falastiin iyo Xamaas darteed shaqada looga eryay

0
1616

Wargeyska Playboy ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegay, inuu shaqada ka eryay atiriishada caanka ah ee la yiraahdo Mia Khalifa.
Arrintan ayaa timid ka dib markii haweeeneydan ay baraha bulshada taageero ugu muujisay weerarka ay Xamaas ku qaadday Israa’iil.
Mia Khalifa oo Amerikaan balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Lubnaan, ayaa hore u jili jirtay filimaanta anshax xumada ah ee galmada, balse waayihii u dambeeyay waxay ka mid ahayd dadka ugu caansan ee dharka u xayeysiiya wargeyskan.
Qoraal ay ku taageereyso ururka Xamaas ayaa waxay soo dhigtay barteeda Twitter-ka.
“Hadii aad eegto xaaladda Falastiin, oo aadan Falastiin taageero u muujin, waxaad jirtaa dhanka qaldan”, ayay ku tiri qoraalka.
Wargeyska ayaa shaaciyay shaqo ka joojinta Mia Khalifa, isagoo sheegay inuu soo afjaray qandaraaskii ay u saxiixday.