Booliiska Ingiriiska oo xaqiijiyay in kormeer lagu sameeyay diyaarad ay leedahay KQ

0
508

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Essex ee bariga England oo ka tirsan Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in kormeer amni lagu sameeyay mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda duullimaadka Kenya ee Kenya Airways.
Tani ayaa timid ka dib markii diyaaraddan loo wareejiyay garoonka diyaaradaha ee London ee Stansted Airport.
Diyaaradda oo ah nooca Boeing 787-8 ayaa la eegay waxyaabaha ay sidday waxaana la xaqiijiyay inaynan jirin khatar amni.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda ay weeciyeen diyaaradaha dagaalka ee Ingiriiska si baaritaan amni loogu soo sameeyo .
Xalay ayay ahayd markii ay shirkadda qaran ee duullimaadka ee KQ bayaan ku beenisay inuu jiro walaac laga qabo tallaabada lagu weeciyay mid ka mid ah diyaaradaheeda.
Waxay shirkaddu intaasi ku dartay in la sameynayay kormeer amni oo caadi ah ka dibna loo fasaxay in duullimaadka uu sii socdo.