Jordan oo sheegtay in nabadda bariga dhexe ay ku xiran tahay shacabka Falastiin oo helo dowlad u gaar ah

0
313

Boqorka Jordan, Boqor Cabdalla ayaa sheegay in aynan bariga dhexe ka jirayn nabad galyo iyo xasilooni ilaa iyo inta shacabka Falastiin ay ka helayaan qaran madax bannaan oo ay caasimadiisu tahay bariga quddus.
Waxaa uu sheegay in Jordan aynan marnaba ka gaabinayn doorkeeda si kasta oo ay caqabadaha u adag yihiin.
Boqorka ayaa xusay inay difaacayaan muqaddasnimada Quddus.