Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Laikipia ayaa sheegaya in ay sare u kaceen xaaladaha caabuqa corona ee halkaas laga diiwaangeliyay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in maamullada isbitaallada Nanyuki iyo Nyahururu ay joojiyeen in la qaabilo bukaanada hor leh ee uu saameeyay cudurka .
Tani ayaa timid ka dib markii dadka uu COVID-19 haleelay ay buux dhaafiyeen xarumahaas.