Israa’iil oo 300,000 oo ciidamo ah geysay meel u dhow Qaza

0
320

Afhayeenka ciidamada militariga ee Israa’iil ,Jonathan Conricus ayaa sheegay in ciidamo gaaraya 300,000 la geeyay meel u dhow marinka Qaza.
Waxaa uu xusay in saraakiishan keydka oo adeegsanaya gaadiidka gaashaaman ay la dagaallami doonaan ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Afhayeenka ayaa sheegay in ujeeddada arrinkan laga leeyahay ay tahay in la wiiqo awoodda militari ee Xamaas si aynan mar dambe ugu suurtagelin inay u hanjabaan ama ay dilaan shacabka Israa’iil sida uu qoraal ku sheegay.