Hoggaamiyaha dalka oo casuumay madaxweynaha Tanzania

0
605

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa casuumaad u fidiyay madaxweynaha wadanka Tanzania Samia Suluhu si ay booqasho rasmi ah ugu timaado Kenya.
Waxaa farriintan loo dhiibay oo gudbisay wasiiradda cayaaraha ,hidaha iyo dhaqanka ee dalka Aamina Maxamad.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo labada dal ee dariska ah ay ku dadaalayaan in ay sii xoojiyaan xiriirka dibloomaasiyeed ee ka dhexeya.
Mr. Kenyatta ayaa dhambaalka ay siday Amina Maxamad ku sheegay in Kenya ay diyaar u tahay in ay sare u sii qaado iskaashiga kala dhexeya dowladda Tanzania ee dhanka horumarrada dhaqaale , bulsho iyo siyaasadeed.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in uu xiriir dhow oo saaxiibtinimo iyo wada shaqeyn ku saleysan kala dhexeyay dhigiisi geeriyooday ee Tanzania John Pombe Magufuli sidaas awgeedna uu doonayo in xiriirkaas uu sii jiro.