Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa shacabka ku nool marinka Qaza ee dalka Falastiin ugu baaqay inay halkaasi isaga baxaan.
Waxaa uu ku hanjabay in marinka Qaza ee wadanka Falastiin uu ka dhigi doono jasiirad maran oo laga guuray ka dib weerarradii ururka Xamaas.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo tirada dhimashada ee dhanka Israa’iil ee ka dhalatay weerarradii Xamaas ay kor u dhaaftay 600 oo qof halka 100 kalena maxaabiis ahaan loo haysto.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa dhankeeda sheegtay in Qaza lagu dilay 370 oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 2,200 kale.




