Dugsiyada Hong Kong oo la xiray

0
335

Maamulka Hong Kong ayaa xiray dugsiyada iyadoo dhanka kale la hakiyay qaar ka mid ah adeegyada gaadiidka.
Sidoo kale waxaa la baajiyay duullimaadyo gaaraya 90 halka 130 kalena dib loo dhigay sida laga soo xigtay maamulka maareeya garoomada diyaaradaha ee Hong Kong.
Tani ayaa loo aaneeyay cabsida laga qabo saameynta ka dhalan karto duufaanta Koinu oo halkaasi laga soo tabiyay.
Bil ka hor ayay ahayd markii duufaanta kale ee Saola ay ku dhufatay Hong Kong.