Ruushka oo wiil 10 sano jir ah ku dilay gobolka Kharkiv

0
213

Dowladda Ruushka ayaa duqeyn ay ka gaysatay gobolka Kharkiv ee dalka Ukraine ku dishay wiil da’diisu lagu sheegay 10 sano.
Guddoomiyaha gobolkaasi ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 26 qof oo dheeraad ah.
Duqeynta ayaa lala eegtay dhismooyin la deggan yahay.
Sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka ayaa maanta weeraray dekad ku taalla gobolka Odesa ee Ukraine.
Waxaa halkaasi lagu burburiyay bakhaar lagu keydiyo qamaddiga oo u dhow webiga Danube .