Maraykanka oo sheegay inuu soo riday diyaarad laga leeyahay Turkiga

0
311

Waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay soo rideen diyaarad aan duuliye wadin oo ay leedahay dowladda Turkiga.
Tani ayaa timid ka dib markii diyaaraddan loo arkay inay khatar ku tahay ciidamada xukuumadda Washington ee ku sugan gudaha dalka Syria.
Tani ayaa laga cabsi qabaa inay xiisad ka dhex abuurto labada dowladood.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ciidamada Turkiga ay bartilmaameedsadeen xoogagga Kurdiyiinta ee Syria ka dib qaraxii ka dhacay magaalada Ankara oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda la mamnuucay ee (PKK).
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin uu la hadlay dhigiisa Turkiga Yasar Guler isagoo ku boorriyay in la dejiyo xaaladda ka taagan Waqooyiga Syria.
Waxaa sidoo kale wada hadalkan xaqiijisay wasaaradda gaashaandhigga ee Turkiga.