Ugu yaraan 51 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duqeyn ciidamada dowladda Ruushka ay ka gaysteen Waqooyiga Bari ee dalka Ukraine.
Waxaa halkaasi lagu bartilmaameedsaday dad isugu soo baxay inay baroordiiq u sameeyaan sarkaal u dhashay Ukraine oo la dilay.
Weerarka ayaa ka dhacay tuulada loo yaqaano Groza ee gobolka Kharkiv .
Sidoo kale waxaa halkaasi lagu dilay dad ka dukaameysanayay dhisme ka ag dhow maqaaxida weerarka lala eegtay.




