Kenya iyo boqortooyada Ingiriiska ayaa filaya in saameyn dhanka ganacsiga ah ay ka soo gaarto xayiraadda dhanka socdaalka ah oo shalay dhaqan gashay.
Ingriiska ayaa dalal ay Kenya ka mid tahay ku soo rogay xayiraad dhanka socdaalka ah ka dib markii dalka laga diiwangeliyay nooca cusub ee Coronavirus.
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dalkeeda aysan soo gali karin waddamada lagu arkay nooca cusub ee fayraskan.
Waxaa laga yaaba in aysan sii dheeraan ama wakhti badan qaadan xayiraadaha uu Ingiriiska ku soo rogay dalalka Kenya, Bangaladesh, Filibiin iyo Pakistan.
Si kastaba ahaate labada dal ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in la dhisi doono guddi isku dhaf ah oo dib u eegis ku sameeya xayiraadaha socdaalka ee halista ku ah xiriirka ganacsiga, dhaqaalaha iyo amniga.