Waxaa lagu soo warramayaa in dowladda India ay Canada ka dalbatay inay ugu dambeyn 10-ka bishan Tobnaad gudaha wadankaasi ka saarto 41 dibloomaasiyiin ah.
Waxaa sidatan qoray wargeyska The Financial Times.
Xiriirka labada dowladood ee India iyo Canada ayaa xumaaday ka dib markii Canada ay sheegtay inay qabto tuhun ah in wakiillo matalayay India ay bishii Lixaad ee sanadkan ka qayb qaateen dilka hoggaamiye diimeed ka mid ahaa muwaadiniinteeda oo lagu magacaabi jiray Hardeep Singh Nijjar.
India oo shakhsigaasi u aqoonsatay argagixiso ayaa iska fogeysay eedeynta uga timid Canada waxayna ku tilmaantay mid aan la qaadan karin.
The Financial Times ayaa dhanka kale ku warramaysa in dowladda India ay ku hanjabtay in haddii dibloomaasiyiinta Canada aan wadankaasi laga saarin inay kala laabanaysa xasaaniyadda dibloomaasiyadeed.
Dowladda Canada ayaa waxaa gudaha dalka India ka joogo 62 dibloomaasiyiin ah waxaana hadda laga doonaya inay dib ugu yeerto 41 ka mid ah tiradan.
Dhanka kale wasaaradaha arrimaha dibadda ee India iyo Canada ayaan weli ka falcelin warbixintan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee India , Subrahmanyam Jaishankar ayaa horay u sheegay in la cabsi gelinaya dibloomaasiyiinta dalkaasi ee ku sugan gudaha Canada.