Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ku talisay in carruurta la siiyo tallaal labaad oo ka dhan ah xanuunka duumada ama malaariyada.
Tani ayaa kaalin ka qaadan karto in la badbaadiyo nolosha boqolaal kun oo carruur ah .
Ku dhawaad nus milyan carruur ah oo ku nool Afrika ayaa sanad kasta u dhinta cudurkan oo laga qaado qaniinyada kaneecada.