Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo la kulmay madaxa IGAD

Madaxweynaha dalka oo la kulmay madaxa IGAD

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay inuu kulan la qaatay madaxa fulinta ee urur goboleedka IGAD ,Dr. Workneh Gebeyehu.
Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu Ruto IGAD uga mahadceliyay doorkeeda ku aaddan sare u qaadidda midnimada iyo u adkeysiga dhibaatooyinka ee gobolka.
William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay taageerayso geeddisocodka loo dhan yahay ee lagu xallinaya dagaalka ka taagan dalka Suudaan.
Waxaa uu sheegay in nidaam la isku duba riday oo laga qayb gelinaya dhammaan daneeyayaasha ay tahay fursadda ugu muhiimsan ee dib loogu soo celin karo xasiloonidii Suudaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in qaabkan uu yahay mid dardargelinaya in la soo celiyo nidaamkii caadiga ahaa oo meesha laga saaro culeysyada baniaadannimo ee ka jiro dalkaasi iyo si guud gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments