Waxaa lagu soo warramayaa in dab xooggan uu ka kacay xarun booliis oo ku taalla magaalada Ismaaciiliya ee dalka Masar.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay holac ka kacaya xaruntaasi booliiska, iyadoo dhismaha ugu weyn ee goobtaasi oo dabka dumiyay.
Dad badan ayaa la arkayay iyaga oo laga soo daadguraynayo xarunta uu dabka ka kacay, inkastoo aan la soo tabinin khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in aan wali la ogaan sababta uu dabka halkaasi uga kacay.