Kulan u dhexeyay beelaha Habargidir, Murusade iyo Xawaadle oo ka dhacay deegaanka Wara dhumale ee gobolka Galgaduud, islamarkaana ay ka qayb galeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiirro, Siyaasiyiin horay xilal kala duwan u soo qabtay ayaa looga hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta beelaha ee ka qayb galay kulanka waxay dhammaantood sheegeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah oo hagar la’aan ku jirto loo wada galo dagaalka kooxdaasi lagu ciribtiraayo.
Kulankan saddexda beelood ku dhexmaray deegaanka Wara dhumale waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxweynaha maamulka Hiiraan State Cal Jeyte Cismaan oo ah hoggaamiyaha dagaalka lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka Galmudug.
Madaxweyne Cali jeyte oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in saddexda beelood ee Xawaadle, Murusade iyo Habargidir ay isku raaceen in si wadajir ah looga wada qayb qaato la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.
“Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxay dhibaatooyin kala duwan ku hayeen bulshada ku nool gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, maanta waxaa la jooga xilligii aan iska dulqaadi laheyn, waxaan ka koobanahay saddex beelood waa inaan dhulkeena ka xoreyna oo beenta ay Diinta anagana naga sheegaan aan soo afjarno” ayuu yiri madaxweynaha Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan.
Xildhibaan Maxamad Abuukar Jacfar oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kulanka qaybta ka ahaa ayaa dhankiisa sheegay in go’aanka ay gaareen saddexda beelood inuu yahay midkii lagu soo gabagabeyn lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Tallaabadan ay beelahaan ugu midoobayaan dagaalka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaysa, iyadoo ciidamada dowladda ay horay uga soo baxeen deegaano muhiim ah oo ay ka saareen kooxda Al-Shabaab.