Kooxda shaqaalaha Kurdistan ee (PKK) ee laga mamnuucay gudaha Turkiga ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii shalay ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Waxaa sidatan lagu shaaciyay shabakad wareed oo lala xiriiriyo kooxda.
Labo ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka Turkiga ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qaraxaasi.
Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa laga fuliyay afaafka hore ee xarunta wasaaradda arrimaha gudaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ,Cali Yerlikaya ayaa sheegay in dhaawacyadu aynan halis ahayn.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in labo qof ay weerarkaasi fuliyeen.