Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in heshiis shaqaaleysiin ah lala saxiixanaya ku dhawaad...

DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo sheegay in heshiis shaqaaleysiin ah lala saxiixanaya ku dhawaad 12 waddan

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay heshiisyo laba geesood ah oo ku saabsan shaqaaleysiinta muwaadiniinta la saxiixanaysa ku dhawaad 12 waddan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in howlahan ay marayaan heer gabogabo ah.
Ruto oo sheegay inuu safar arrimahan ku saabsan ku tagi doono boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xusay in ujeeddada laga leeyahay arrinkan ay tahay yareynta shaqo la’aanta haysata dhallinyarada ee ka jirto gudaha dalka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xilli uu ku sugnaa kaniisad ku taalla deegaan baarlamaneedka Langata ee ismaamulka Nairobi sheegay in kenyaanka u shaqo tagaya waddamada shisheeye ay qaban doonaan shaqooyinka xirfadaha ku saleysan.
Ruto ayaa xusay in dowladda Jarmalka ay diyaar u tahay inay shaqaaleysiiyo 200,000 oo qof , halka dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ay u baahan yihiin 500,00 oo howlwadeenno ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments