Labo ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka Turkiga ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qarax laga gaystay magaalada Ankara ee caasimadda wadankaasi.
Qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa laga fuliyay afaafka hore ee xarunta wasaaradda arrimaha gudaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Turkiga ,Cali Yerlikaya ayaa sheegay in dhaawacyadu aynan halis ahayn.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in labo qof ay weerarkaasi fuliyeen.
Sarkaal sare oo ka tirsan laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dadka weerarka gaystay ay markii hore afduubteen baabuur oo ayna wadihii gaarigaasi ku dileen magaalada Kayseri oo Ankara dhanka Koonfurta Bari uga beegan masaafo dhan 260 kiilomitir ka hor inta aynan qaraxa fulin.
Qaraxan ayaa ah midkii ugu horreeyay ee Ankara ka dhacay tan iyo sanadkii 2016-kii.
Wasiirka wasaaradda cadaaladda ee dalka Turkiga ,Yilmaz Tunc ayaa sheegay in dacwad oogaha guud uu billaabay baaritaano ku aaddan qaraxa dhacay.
Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa bayaan ay soo saartay si kulul ugu cambaareysay qaraxa maanta ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara waxayna sheegtay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Turkiga.