Waxaa xilka madaxtinnimo ee dalka Maldives ku guulaystay musharraxii matalayay garabka mucaaradka ee wadankaasi Maxamad Muizzu .
Waxaa uu loolanka siyaasadeed uga adkaaday madaxweynaha dalkaasi Ibrahim Solih ka dib markii la qabtay wareegga labaad ee codeynta.
Guddiga doorashooyinka ee Maldives ayaa shabakadiisa rasmiga ah ku shaaciyay in Muizzu uu helay boqolkiiba 54% ee codadka halka Solih uu soo hooyay boqolkiiba 46% .
Waxaa ka qayb qaadashada doorashada guud ee dalkaasi u soo baxay boqolkiiba 85 ee 282,000 codbixiyeyaal is diiwaangeliyay ah.
Doorashada ayaa ka dhacday in ka badan 586 oo ah goobaha codbixinta ee 187 jasiiradood.
Madaxweyne Solih ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo oran jiray Twitter ku sheegay inuu u hambalyeynaya Muizzu.
Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha la doortay ee Maldives, Maxamad Muizzu la caleema saaro 17-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Muizzu ayaa dhankiisa sheegay in shacabka wadankaasi ay qaateen go’aan geesinnimo leh oo ay ku xaqiijiyeen madax bannaanida Maldives.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in iyadoo la mideysan yahay ay wada guulaysan doonaan.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha India , Narendra Modi ayaa Maxamad Muizzu ugu hambalyeeyay in loo doortay hoggaanka dalka Maldives.