Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ciidamada Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliya kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in cadaalada la horgeyn doono askari waliba oo diida amarka taliyihiisa, islamarkaana sameeyo sifaalooyin ka baxsan shuruucada ciidanka.
Waxaa uu xusay in maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dhowr jeer la horgeeyay askar falal dambi ah ka gashay dadka shacabka ee ku nool caasimadda Muqdisho iyo gobollada wadanka Soomaaliya islamarkaana sameeyay falal ka baxsan anshax kuwaas oo dhankooda maxkamadda ka soo muuqday.
Guddoomiye Shuute ayaa intaasi ku daray in askari waliba oo furriimaha dagaalka jooga looga baahan yahay inuu sameeyo wajibaadka kaga aadan dalkiisa.
Waxaa uu dhanka kale saraakiisha ugu baaqay inay ka fejignaadaan dagarta Al-Shabaab.