In ka badan 52 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen labo qarax oo laga soo tabiyay dalka Pakistan.
Qaraxa koowaad ayaa lala eegtay dad u dabbaal degayay dhalashada nabi Maxamad naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaate oo marayay magaalada Mastung ee gobolka Balochistan.
Guddoomiye ku xigeenka magaalada Mastung , Cabdul Razzaq Sasoli ayaa warbaahinta u sheegay in boqolaal qof ay socdaal ka soo bilaabeen masjidka Madina oo marka ay gaareen waddada Al Falah uu halkaasi isku qarxiyay qof isa soo miidaamiyay.
Wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka Balochistan, Zubair Jamali ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 25 qof ay isla goobta ku dhinteen halka ay dhaawacmeen in ka badan 80 kale oo 20 ka mid ah ay liidato xaaladooda caafimaad.
Wasiirka warfaafinta ee gobolka Balochistan ,Jan Achakzai ayaa codsaday in si degdeg ah dhiig loogu shubo dadka dhaawacmay.
Sidoo kale waxaa uu ku dhawaaqay saddex cishe oo baroordiiq ah.
Ugu yaraan 5 qof oo kale ayaa la soo tabiyay inay ku dhinteen qarax labaad oo lagu bartilmaameedsaday masjid ku yaalla magaalada Hangu ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa .
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda fulinta weerarradan.
Garabka Taalibaan ee dalka Pakistan ee (TTP) ayaa iska fogeeyay inuu qaraxyadan ka dambeeyay waa ayna cambaareysay.
Bishii Afaraad ee sanadkii 2006-dii ayay ahayd markii qof isa soo miidaamiyey oo is qarxiyay ay ku dhinteen ugu yaraan 50 qof oo ku sugnaa magaala xeebeedda Karachi ee dalka Pakistan.