Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Saddex qof oo maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah wada hadallada siyaasadeed

Saddex qof oo maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah wada hadallada siyaasadeed

Waxaa maxkamadda dacwad u gudbiyay ilaa saddex qof oo doonaya in la joojiyo wada hadallada siyaasadeed ee ka socdo xarunta Bomas ee magaalada Nairobi.
Shakhsiyaadkan ayaa ku doodaya in geeddisocodkan uu si guud yahay mid sharci darro ah.
Waxay intaasi ku dareen in markii la soo dhisayay guddiyada kala matalaya Kenya Kwanza iyo Azimio aan laga qayb gelin dadweynaha si ay afkaartooda uga dhiibtaan.
Kenyaanka dacwadaha maxkamadda geeyay ayaa kala ah Issa Elanyi Chamao, Patrick Karani Ekirapa iyo Paul Ngweywo Kirui .
Waxay intaasi ku dareen in Kimani Ichngwa iyo Kalonzo Musyoka ay adeegsanayaan awoodo uunan siin dastuurka dalka.
Dacwadda waxaa ku xusan in kenyaanka ay ugu yaraan 100 milyan oo shilin uga lumaysa maareynta qarashaadka ku baxaya fadhiyada guddiga wada hadallada qaran.
Qareenkooda matalaya oo lagu magacaabo Peter Wanyama ayaa doonaya in maxkamadda ay dacwadda la hor geeyay u aqoonsato mid degdeg ah oo lagu wareejiyo madaxa cadaaladda wadanka si ay u soo magacawdo guddi ka kooban saddex garsoorayaal oo kiiskan dhageysan karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments