Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya NTSA oo kordhisay saacadaha shaqada

NTSA oo kordhisay saacadaha shaqada

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee (NTSA) ayaa kordhiyay saacadaha ay shaqeeyaan howlwadeenadiisa.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu dardargeliyo soo saaridda taargooyinka cusub ee baabuurta.
NTSA ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in dhammaan xafiisyadeeda ay furnaan doonaan inta u dhexeysa 7.30 subaxnimo ilaa 6-da maqribnimo ee maalmaha Isniinta ilaa Jimcada.
Waxay horay shaqeyn jireen laga billaabo 8-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.
Sidoo kale waxaa labada toddobaad ee soo socdo , maalinka Sabtida furnaan doono xafiisyada maamulka NTSA si gaadiidleyda ay u qaataan taargooyinka cusub.
NTSA ayaa dhanka kale wadayaasha helay farriimaha gaaban ee wargelinta ee ku saabsan qaadashada taargooyinka ugu baaqday inay tagaan xarumihii ay qoreen markii ay codsiga buuxinayeen si ay halkaasi uga qaataan.
Isbeddelka uu sameeyay maamulka NTSA ayaa ku soo beegmaya toddobaad un ka dib markii wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka, Kipchumba Murkomen uu ku amray inay yareeyaan ciriiriga jira ee dhanka bixinta leesimada darawalliinta, buugaagta lagu sharciyeeyay gawaarida iyo taargooyinka oo aynan howshan ku soo gabagabeeyaan labo isbuuc gudaheeda.
22-kii bishan ayay ahayd markii uu Murkomen sheegay inuu si shakhsi ah u kormeeri doono dhaqangelinta isbeddellada NTSA si loo wanaajiyo adeegyada maamulkan uu u fidiyo shacabka.
Dowladda dhexe ayaa bishii Shanaad ee sanadkii hore shaacisay in la soo saari doono taargooyin cusub si meesha looga saaro khiyaanada.
Wasiirkii arrimaha gudaha ee xilligaasi Dr.Fred Matiang’I ayaa shaaciyay in taargooyinkii hore ee baabuurta meesha looga saari doono muddo 18 bilood gudaheeda ah.
Muddadan ayaa ku eg bisha Afaraad ee sanadka soo socdo ee 2024-ka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments