Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dowlado ay Canada ka mid tahay oo dhaliil u jeediyay Myanmar

Dowlado ay Canada ka mid tahay oo dhaliil u jeediyay Myanmar

Dowladaha Ingiriiska, Canada iyo Maraykanka ayaa cambaareeyay militariga dalka Myanmar.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in saraakiishii hoggaanka kula wareegay qaab afgembi ah ay qorsheynayaan inay qabtaan doorasho si adag loo maareynaya.
Jasiiradda Taiwan ayaa dhankeeda walaac xooggan ka muujisay xadgudubyada uu militariga maamulo Myanmar u gaysanaya shakhsiyaadka ka soo horjeeda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan Joseph Wu oo wareysi siiyay talefishinka caalamiga ee Al Jazeera ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan qorshaha doorashada ee Myanmar.
Waxaa uu intaasi ku daray inay sii wadayaan u doodidda ilaalinta xuquuqul aadanaha iyo dimuqraadiyadda wadankaasi.
Bishii labaad ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii ciidamada difaaca ee Myanmar ay xukunka ka tuureen dowladdii rayidka ee Aung San Suu Kyi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments