Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa magaalada Washington kulan kula qaatay dhigiisa India Subrahmanyam Jaishankar.
Maraykanka ayaa India ugu baaqay inay Canada kala shaqeyso baaritaannada lagu sameynaya dilkii hoggaamiye diimeedkii caanka ahaa Hardeep Singh Nijjar.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ,Matthew Miller ayaan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Jaishankar ayaa dhankiisa dowladda Maraykanka uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaadatay shirkii 20-ka waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha ee G20 oo dhawaan lagu qabtay magaalada New Delhi.
Jaishankar ayaa sidoo kale la kulmay la-taliyaha amniga qaran ee Maraykanka Jake Sullivan.