Maamullada dalka India ayaa amar bandow ah ku soo rogay magaalada ugu wayn gobolka Manipur ee Imphal iyo degmooyin kale.
Tani ayaa timid ka dib markii dhowr arday ah ay ku dhaawacmeen rabshadaha sii kordhaya ee ka billowday afduub iyo dilal la sheegay in loo gaystay labo arday.
Waxaa gobolka Manipur oo ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalka India sidoo kalena xad la wadaago wadanka Myanmar saameeyay shaqaaqooyin beeleed.
Khuburrada falanqeeya arrimaha amniga ayaa sheegaya in dhacdooyinka isa soo taraya ee halkaasi ka taagan ay yihiin dagaal sokeeye oo baahsan oo salka ku haya dhulalka , shaqooyinka iyo loolanka siyaasadeed ee labada koox ee ugu badan gobolkaasi.
Shalay ayay ahayd markii in ka badan 80 arday ay ku dhaawacmeen rabshadaha sida laga soo xigtay sarkaal booliis ah.
Sidoo kale waxaa muddo shan cishe ah hakad la geliyay adeegyada intarneetka ee gobolkaasi.
Tan iyo markii ay xasilooni darrada Manipur soo billaabatay 3-dii bishii Shanaad ee sanadkan , waxaa la dilay in ka badan 180 qof halka ilaa 50,000 kalena ay guriyahooda ka barakaceen.