Madaxweynaha dalka oo sheegay in faa’iidooyin laga dhaxlay isbeddellada dhanka beeraha

0
214

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in laga faa’iiday isbeddello ay dowladdu ku sameysay wax soo saarka xoolaha iyo beeraha wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay tallaabooyinkan ay tahay horumarinta dhaqaalaha dalka.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in si uu dhaqaalaha u kobco ay lagama maarmaan tahay in sare loo qaado wax soo saarka beeraha iyo ka ganacsiga haragga xoolaha ee gudaha wadanka iyo guud ahaan caalamka.
William Ruto ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu si rasmi ah u furay bandhigga ganacsiga ee ismaamulka Nairobi oo lagu qabanaya beerta Jamhuri Park.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka ku celceliyay in maamulkiisa uu kordhiyay isticmaalka bacriminta ee beeralayda si loo xoojiyo wax soo saarkooda.
Ruto ayaa sheegay in 2 milyan oo beeralay ah lagu caawin doono maalgelin iyo agabka beeraha.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in golaha wasiirrada uu ansixiyay in shirkadaha soo saaro sonkorta laga cafiyo 117 bilyan oo shilin oo ah deymo lagu leeyahay.