Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Sarkaal u dhashay Maraykanka oo laga soo ceyrinaya Kuuriyada Waqooyi

Sarkaal u dhashay Maraykanka oo laga soo ceyrinaya Kuuriyada Waqooyi

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay dalkeeda ka eryi doonto askari dhalasho ahaan ka soo jeedo Maraykanka.
Travis King ayaa loo haystaa inuu ka soo gudbay dhanka Kuuriyada Koonfureed horraantii sanadkan.
Wakaaladda wararka ee Korean Central News Agency ayaa ku warramaysa in maamullada wadankaasi ay soo gabagabeeyeen su’aallo ay waydiinayeen Travis King.
Waxaa uu qirtay inuu si sharci darro ah wadankaasi ku galay maadaama uu cuqdad ka qaaday takoor isir oo uu sheegay inuu ka dhex jiro militariga dalkiisa.
Hasa ahaate maamullada Kuuriyada Waqooyi ayaan ilaa iyo hadda shaacin xilliga askarigan ay tarxiili doonaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments