Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya janeraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) ayaa sheegay in maxkamadaha ay maalin kasta keenaan xabsiyada dad qaba cudurrada faafa.
Waxaa uu sheegay in maanta ay xariga ka jareen dhisidda xarun gaar ah oo lagu karantiilaya maxaabiista qaba cudurrada faafa.
Dowladda iyo bulshada soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhisidda xaruntaasi.