Dowladda dhexe ee dalka ayaa shaaca ka qaaday sababta loo hakiyay soo dejinta tallaalka Sputnik V ee lagu sameeyay dalka Ruuska islamarkaana ay dalka ka soo dajiyeen waaxyo si gaar ah loo leeyahay.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman oo ka soo hor muuqday guddiga aqalka sare ee caafimaadka ayaa sheegay in hay’adaha gaarka loo oggol yahay oo keliya in ay soo dhoofsadaan tallaalka COVID-19 marka ay dowladdu dejiso nidaam hufan oo lagu hubinayo badqabka caafimaadka bulshada.
Waxaa intaa ku daray in dowladdu ay mas’uul ka noqon doonto soo iibinta wajiga kowaad ee tallaalka COVID-19 iyadoo waaxyaha gaarka loo leeyahay lagu wado inay ku biiraan qorshahan tallaalka ee bisha 7-aad ee sanadkan.
Mr. Aman ayaa dhanka kale sheegay in dowladda si toos ah uga soo iibsan doonto tallaalada Covid-19 shirkadaha soo saara, sida barnaamijka tallaalka adduunka oo lagu magacaabo COVAX iyo xarunta xakameynta cudurrada Afrika ee CDC.
Waxaa uu sidoo kale sheegeen inaysan jirin hay’ad gaar loo leeyahay oo ku lug leh soo iibsiga dowladda ee tallaallada COVID-19.
Waxaa uu difaacay mamnuucidda soo dhoofinta tallaalka ee waaxyaha sida gaar loo leeyahay isagoo sheegay in taasi ay dan ugu jirto dhamaan dadweynaha kenyaanka
Sida laga soo xigtay xogta wasaaradda caafimaadka ee dalka illaa 400,000 oo qof oo ku nool gudaha wadanka ayaa qaatay tallaalka AstraZeneca ee iyadoona hal milyan kuuro dalka la keenay bishii hore.
Waxaa la filayaa wadanka la soo gaarsiiyo 25 milyan oo kuuro ama dose oo ah daawada tallaalka nooca loo yaqaano Astrazeneca.
Home Wararka Kenya Wasaaradda caafimaadka ee dalka oo shaaca ka qaaday sababta loo hakiyay keenista...