Kenya iyo Maraykanka oo saxiixday heshiis iskaashi oo 5 sano ah

0
252

Dowladaha Kenya iyo Maraykanka ayaa wada saxiixday heshiis dhanka iskaashiga difaaca oo lagu wado inuu shaqeeyo ilaa sanadka 2028-ka.
Waxaa is afgaradkan qalinka ku wada duugay wasiirka difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale iyo dhigiisa Maraykanka Mr. Lloyd Austin oo wadanka yimid.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay xarunta dhexe ee wasaaradda gaashaandhigga ee Kenya.
Wasiir Ducaale ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in iskaashigan uu labada waddan u fududeyn doono inay sii xoojiyaan wada shaqeynta ka dhexeysa gaar ahaan la socodka khatarrada amni ee isbeddelaya gaar ahaan ka hor tagga argagixisada, weerarrada dhanka baraha iyo aaladaha intarneetka iyo amniga gobolka iyo badaha.
Waxaa sidoo kale madashaasi goobjoog ku ahayd safiirka Maraykanka ee dalkani Kenya Meg Whitman, taliyaha guud ee ciidanka difaaca dalka Francis Ogolla, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda difaaca Patrick Mariru iyo mas’uuliyiin kale.