Israa’iil oo dishay 2 qof oo Falastiiniyiin ah

0
368

Labo qof oo u dhashay dalka Falastiin ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen ciidamada militariga ee Israa’iil.
Howlgalka ayaa ka dhacay xero qaxooti oo ku taalla Daanta Galbeed gaar ahaan magaalada Tulkarem.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa magacyada laba qof ee la dilay ku kala sheegtay Asid Abu Cali oo 21 sano jir ah iyo Cabdulraxmaan Abu Daghash oo 32 sano jir ahaa.
Weerarka ayaa sidoo kale burbur gaarsiiyay kaabayaasha xeradaasi.
Horraantii bishan ayay ahayd markii ciidamada Israa’iil lagu eedeyay inay dileen 21 sano jir lagu magacaabi jiray Ayed Samih Khaled Abu Harb oo madaxa laga toogtay.
Bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii howlgallada Israa’iil ee Daanta Galbeed ee dalka Falastiin lagu dilay ugu yaraan 12 Falastiiniyiin ah.
Waxaa xilligaasi xerada qaxootiga ee magaalada Jenin lagu dhaawacay 100 qof oo dheeraad ah.
Militariga Israa’iil ayaa Daanta Galbeed oo ay ku nool yihiin 3 milyan oo Falastiiniyiin ah haysta muddo 56 sano ah.