Toogasho ka dhacday tuulo ku taalla waqooyiga dalka Kosovo ayaa lagu dilay hal sarkaal oo booliis ah iyadoo mid kalena la dhaawacay.
Tani ayaa qayb ka ah saameynta ka dhalatay rabshado halkaasi bilooyin ka socda .
Ra’iisul Wasaaraha Kosovo Albin Kurti ayaa dowladda Serbia ku eedeyay inay shaqaaqooyinkan taageeraysa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in khuburro wajiyada soo duubtay oo ku hubeysnaa hub culus ay rasaas ku fureen bar kontorool oo ay booliiska ka sameeyeen tuulada Banjska ee magaalada Leposavic oo masaafo dhan 55 kiilomitir dhanka waqooyi uga beegan caasimadda dalkaasi ee Pristina.
Weerarka ayaa dhacay intii u dhexeysay abaare 3-dii ilaa 4-tii aroornimo ee maanta.
Waxaa sidoo kale dilka sarkaalka booliiska cambaareeysay madaxweynaha Kosovo, Vjosa Osmani oo ku sugan magaalada New York ee Maraykanka.




