Francis Atwoli oo mar kale loo doortay xoghayaha guud ee COTU

0
537

Francis Atwoli ayaa markii shanaad loo doortay xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU.
Mr. Atwoli, oo ay da’adiisu tahay 71 jir ah ayaa loo aqoonsaday inuu yahay madaxa COTU iyadoo aysan la tartamin wakiilo ka socda urrurada shaqaalaha oo ku shiray kulliyadda shaqaalaha ee Tom Mboya ee ku taal ismaamulka Kisumu.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu uga mahadceliyay dhammaan shaqaalaha dalka ee dib u doortay iyadoo ay cidna la tartamin.
Waxaa uu balan qaaday inuu howshiisa uu sida habboon u gudan doona islamarkaana uunan khiyaanayn kalsoonida mar kale loogu doortay jagadaan.
Atwoli ayaa xilkan markii ugu horreysay loo doortay sanadkii 2001 iyo 2019-kii.
Tallaabada dib loogu doortay Francis Atwoli waxaa soo dhaweeyay shakhsiyaad kala duwan oo uu ka mid yahay sii hayaha xilka xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU Chibanzi Mwachonda ·
Dr. Mwachonda oo u hambalyeeyay Atwoli ayaa sheegay in ay garab ku siinayaan matalaadda shaqaalaha wadanka.