Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo si kulul uga hadlay qaraxii ismidaaminta ahaa ee...

DHAGEYSO:Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo si kulul uga hadlay qaraxii ismidaaminta ahaa ee ka dhacay Beledweyne

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmad Maalin Sufuroow ayaa ka tacsiyeeyay shacabkii Soomaaliyeed ee ku nafwaayay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waxaa uu xusay in khasaaraha uu qaraxa gaystay aan la soo koobi karin.
Weerarkan ayuu ku eedeeyay in ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in dadkii lagu waayay qaraxii Beledweyne loo argudi doono.

Waxaa sidoo kale weerarkan cambaareeyay, tacsina diray madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmad Hagar Dabageed.
Bulshada soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments