Maamulka madaxweynaha Maraykanka , Joe Biden ayaa dowladda Ukraine u ballan qaaday taageero militari oo dheeraad ah oo uu qiimaheedu yahay 128 milyan oo doolar.
Tani ayaa timid ka dib safar uu hoggaamiyaha Ukraine ,Volodymyr Zelenskyy ku tagay Washington.
Waxaa uu sheegay in garab istaaggan uu yahay mid ay hadda ciidamadiisu si wayn ugu baahan yihiin.