Barasaabka Mandera oo sheegay in COVID-19 uu faraha ka baxay

0
444

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in xakameynta cudurka COVID-19 ay faro ka bax noqotay.
Mr. Roba ayaa xusay in keliya waxa hadda dowladda la gudboon ee aan qiil kale loo raadin karin ay tahay in ay tallaalka ka dhanka ah cudurka u soo iibiso dhammaan shacabkeeda.
Barasaabka Mandera ayaa xaaladda la xiriirta xanuunka ee hadda taagan ku tilmaamay mid degdeg ah oo iska cad.