Dowladda India ayaa hakisay soo saaridda dal ku galka la siiyo shacabka Canada ee halkaasi tago.
Amarkan ayaa dhaqan galay laga billaabo maanta wuxuuna sii jiraya ilaa go’aan kale laga gaaro.
Tani ayaa qayb ka ah xiisadda dibloomaasiyadeed ee ka dhexeysa labada waddan ee sii xoogeysatay.
Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa India ugu baaqay inay xaqiijiso inay beri ka tahay eedeymaha loo jeediyey ee ah in wakiillo matalada xukuumadda New Delhi ay ka dambeeyeen dilkii hoggaamiye diimeed lagu magacaabi jiray Hardeep Singh Nijjar kaasoo dhacay horraantii sanadkan.
Dowladda India ayaa dhankeeda Canada ku eedeynaysa faragelinta arrimaha gudaha ee wadankaasi.