Maxkmadda sare ee dalka oo si ku meel gaar ah u joojisay in Kenya ay xirto xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma

0
1168

Maxkamadda sare ee dalka ayaa si ku meel gaar ah u joojisay go’aanka ay dowladda Kenya ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma inta laga dhageysanayo dacwadda ka dhan ah ammarka ay dowladda dhexe ku xireyso xerooyinkaas.
Peter Gichira oo horaan isu soo sharraxay xilka madaxweyninimo ee dalka ayaa aaday maxkamadda isagoo ka horyimid go’aankii dowladda ee ahaa in la xiro labada xero isagoo ku doodaya in talaabadaasi ay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn.
Mr Gichira ayaa sheegay in amarka xiritaanka labada xero uu xadgudub ku yahay dastuurka Kenya, sharciyada caalamiga iyo heshiisyada la xiriira ilaalinta xuquuqda qaxootiga sidaa darteedna ay tahay wax aan la aqbali karin.
Peter Gichira waxaa uu raadinaya in si rasmi ah loo joojiyo amarka lagu xiraya xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kakuma.
13-ka bishaan oo ku beegan maalinka Talaadada ee toddobaadka dambe ayaa lagu wadaa in la soo hadal qaado amarka ay dowladda horay u shaacisay in lagu xiro xeryaha qaxootiga oo ay dad badan ku nool yihiin.
24-kii bishii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi uu hay’adda UNHCR u qabtay muddo 14 cisho ah oo ay ku dejinayso qorshaha lagu xiraya xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyo Kakuma.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa xilligaasi sheegtay in uunan jirin wax wada-hadal ah oo arrinkan ka furan.
Dhanka kale hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa Kenya ku boorrisay a inay hubiso in go’aan kasta oo ku saabsan xeryaha in la helo xalal ku habboon oo waara.
Dowladda wali war rasmi ah kama soo bixin oo ku aadan amarkii ay horay u soo saartay ee ah in lagu xiro xeryaha Dadaab iyo Kakuma.