Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ismaamullada ku yaalla gobollada Waqooyi Bari iyo Xeebta la gayn doono ciidamo dheeraad oo ah kuwa fuliya howlgallada gaarka ah.
Ujeeddada laga leeyahay arrinkan ayuu Kindiki ku sheegay in la cirib tiro kooxaha halkaasi ka fuliya weerarrada argagixisannimo.
Wasiirka ayaa xilli uu ku sugnaa aagga Wayu ee ismaamulka Tana River hoosta ka xarriiqay in saraakiishan ay qaabilsanaan doonaan ka hor tagga falal dambiyeedyada iyo argagixisannimada.
Wasiirka ayaa dhanka kale dhammaan saraakiisha maamulka ee dowladda dhexe ku amray inay gacan ka gaystaan xallinta tabashooyinka soo jireenka ah ee bulshada iyadoo aan cidna loo eexan ama lala safan.