Dowladda India ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay safar ku tagaan qaybo ka mid ah wadanka Canada.
Tani ayaa timid ka dib markii ay sare u sii kacday xiisadda u dhexeysa labada dal oo salka ku haysa dil horraantii sanadkan loo gaystay hoggaamiye diimeed.
Shalay ayay ahayd markii uu soo baxay war sheegaya in wasaaradda arrimaha dibadda ee India ay dibloomaasi sare oo u dhashay Canada ay u qabatay muddo 5 cishe ah oo uu wadankaasi uga baxaya.
Xukuumadda New Delhi ayaa ka falcelinaysay tallaabo dibloomaasi Indian ah looga soo eryay Canada.
India ayaa ku doodaysa in Canada ay faragelinaysa arrimaheeda gudaha.
Ra’iisul Wasaaraha Canada ,Justin Trudeau ayaa dalbaday in dowladda India aynan fududeysan baaritaanka ku aaddan dilkii Hardeep Singh Nijjar oo lagu eedeyay inay ka dambeysay.