Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Midowga Yurub oo hakiyay gargaarka cunnada ee Soomaaliya ka dib markuu ogaaday...

Midowga Yurub oo hakiyay gargaarka cunnada ee Soomaaliya ka dib markuu ogaaday xatooyo baahsan

Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa timid ka dib markii baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay lagu ogaaday xatooyo baahsan iyo ku takrifalka lagu sameeyay gargaarkeeda.
Midowga Yurub ayaa doonayay in dhaqaalaha uu siiyo barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay looga hortaggo macluusha Soomaaliya.
EU-da ayaa in ka badan 7 milyan oo doolar siisay WFP sanadkii hore, qayb ka mid ah deeqahaasi oo ah in ka badan 1 bilyan oo doolar oo ay heshay, sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.
Balazs Ujvari, oo ah afhayeenka guddiga Yurub, ma xaqiijin mana beenin joojinta ku meel gaarhka ah laakiin wuxuu yiri: “Ilaa hadda, Midowga Yurub lama ogaysiin la-howlgalayaasheeda Qaraamda Midoobay saameynta dhaqaale ee mashaariicda uu maalgeliyo Midowga Yurub.
“Si kastaba ha ahaatee, waxaan sii wadi doonaa inaan la soconno xaaladda, waxaanan u hoggaansannahay habkayaga dulqaad-la’aanta ah ee ku wajahan musuqmaasuqa, ama dhaqan-xumada.” ayuu yiri Balazs Ujvari.
WFP kama aysan jawaabin go’aanka ka soo baxay Midowga Yurub.
Mid ka mid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aanka la qaatay ka dib markii baaritaanka Qaramada Midoobay lagu ogaaday in mulkiilayaasha dhulka, maamulka deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha samafalka ay dhamaantood ku lug lahaayeen xatooyada gargaarka loogu talagalay dadka nugul.
Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo dheeraad ah, sida in la kala shaandheeyo la-howlgalayaasha ku sugan Soomaaliya.
Baaritaanka ay sameysay Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in barakacayaasha (IDPs) lagu khasbay inay bixiyaan kala bar kaalmada lacagta caddaanka ee WFP ay ka helaan, iyadoo loogu hanjabayo in laga saarayo, la xirayo ama laga saarayo diiwaangelinta liisaska ka-faa’iideystayaasha.
Saddex bilood ka hor WFP iyo Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waxay hakiyeen cuntadii gargaar ee ay siin jireen dalka Itoobiya si ay uga jawaabaan deeqaha baahsan ee la leexsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments