Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegaysa in gudaha dalka Itoobiya ay weli ka dhacayaan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanaha ku dhawaad hal sano ka dib markii ay heshiis gaareen dowladda wadankaasi iyo xoogaggi gobolka waqooyi ee Tigray ee TPLF.
Heshiiskaasi ayaa lagu soo afjaray dagaallo muddo socday.
Hasa ahaate khuburrada qaramada midoobay ayaa warbixin ku sheegaya in gabod-fallada ay weli socdaan.
Guddoomiyaha guddiga caalami ah oo ka kooban khuburrada xuquuqul insaanka oo loo xil saaray Itoobiya , Maxamad Chande ayaa sheegay in kastoo la aamusiiyay rasaastii la isku adeegsanayay haddana in taasi aynan nabad dhameystiran ku soo dabbaalin Waqooyiga Itoobiya.
Warbixinta guddigan waxaa ku cad in ciidamada difaaca dalka Eritrea(EDF) ay shacabka dhibaateynayaan.
Hasa ahaate wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea, Yemane Ghebremeskel ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in warbixintu ay tahay mid sumcad dil ah sidaasi awgeedna dowladda dalkaasi ay diyaarinaysa ka falcelinteeda rasmiga ah.
Militariga iyo dowladda Itoobiya ayaan weli dhankooda ka hadlin warbixinta uu soo saaray guddiga xuquuqul aadanaha ee eegaya xaaladaha Itoobiya.
Tacaddiga la soo tabiyay waxaa ka mid ah xadgudub galmo.
Dagaalka u dhexeyay labada dhinac oo socday labo sano ayaa la soo afjaray bishii 11-aad ee sanadkii hore.