Dibloomaasi sare oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Canada ayay dowladda India u qabatay 5 cishe oo uu dalkaasi uga baxaya.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday wasaaradda arrimaha dibadda ee India.
Tani ayaa ku soo beegan tahay saacado un ka dib markii Canada ay soo eriday dibloomaasi Indian ah .
Xiisadda u dhexeysa labada dal ee sare u sii kacaysa ayaa salka ku haysa dil wadaad gooni u goosad ahaa Hardeep Singh Nijjar loo gaystay horraantii sanadkan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee India ayaa maanta bayaan ku sheegtay inay walaac ka muujinaysa faragelinta ay Canada ku hayso arrimaha gudaha ee dalkaasi .
Sidoo kale Canada ayaa baajisay safarka wufuud ganacsi oo lagu waday inay India tagaan dabayaaqada sanadkan.