Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta , Moses Wetangula ayaa wariyaasha u xaqiijiyay inuu garab ku siin doono ilaalinta xaquuqdooda marka ay ku guda jiraan howlahooda shaqo.
Waxaa uu sheegay inuu baarlamaanka ku hoggaamin doono in mar waliba la tixgeliyo xuquuqda iyo xurriyadda saxafiyiinta.
Hasa ahaate waxaa uu wariyaasha ku boorriyay inay si xilkasnimo leh ugu adeegaan qaranka.
Wetang’ula ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ismaamulka Mombasa si rasmi ah uga furay kulanka ay yeelanayaan hoggaanka baarlamaanka iyo tifaftirayaasha arrimaha baarlamaanka iyo siyaasadda ee warbaahinta dalka.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Koonfurta Wajeer , Maxamad Caddow oo horay wariye u soo noqday ayaa sheegay in warbaahinta ay isku xirto mudanayaasha iyo shacabka.
Waxaa uu intaasi ku daray in saxaafadda ay door muhiim ah ka qaadato xoojinta dimuqraadiyadda.
Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Dagoretti ahna guddoomiyaha guddiga isgaarsiinta ee baarlamaanka ,John Kiarie ayaa dhankiisa sheegay in warbaahinta muddo soo jirtay laga doonaya inay la timaado hal-abuur si ay ula jaanqaado dunida casriga ah.
Karaaniga baarlamaanka, Mr. Samuel Njoroge ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la sii wado wada shaqeynta labadan dhinac.