Dowladda Ruushka ayaa aroornimadii hore ee maanta duqeymo dhanka cirka ah ka fulisay magaalada ku taalla galbeedka wadanka Ukraine ee Lviv.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay duqa magaaladaasi Andriy Sadoviy.
Mas’uulkan ayaa barta Telegram-ka ku sheegay in la howlgeliyay hannaanka difaaca hawada .
Waxaa uu dhanka kale shacabka ugu baaqay inay guriyahooda ku sugnaadaan ama ay ka gabbadaan waxyeellada weerarrada Ruushka.