Waxaa uu qorshuhu yahay in 4-ta bisha 12-aad ee sanadkan la dhageysto dacwad uu wajahaya hoggaamiyihii hore ee kooxdii Mungiki, Maina Njenga .
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda Makadara ee ismaamulka Nairobi ay ka soo hormuuqdeen Njenga,walaalkii Peter Njoroge iyo gacan yarihiisa Felix Lekishe.
Maina Njenga ayaa ku eedeysan dacwado ay ka mid tahay inuu soo qorsheeyay dibadbaxyadii isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya .
Habeennimadii ay Axadda soo galeysay ayay ahayd markii Maina Njenga la afduubtay ka hor inta aan la soo siidayn 24 saacadood ka dib.